Aan si wadajir ah u hagaajinno dib-u-warshadaynta
Sharciyada Masuuliyadda Ballaaran ee Soo-saaraha (EPR) waxay ka dhigayaan dib-u-warshadaynta mid fudud oo waxtar leh gobollada dalka oo dhan.
RecycleOn wuxuu ka caawiyaa xubnaha bulshada ee gobolladan inay fahmaan sida, halka iyo waxa la dib-u-warshadeeyo.
RecycleOn Oregon
Oregon waxay hagaajinaysaa nidaamkeeda dib-u-warshadaynta iyadoo la adeegsanayo sharci cusub oo la yiraahdo Xeerka Wasakhaynta Caagga iyo Casriyeynta Dib-u-warshadaynta, ama RMA marka la soo gaabiyo.
RecycleOn Oregon wuxuu halkan u joogaa inuu kaa caawiyo inaad fahanto waxa isbeddelaya, iyo sida aad kalsooni ugu dib-u-warshadayn karto.
RecycleOn Colorado
Barnaamijka cusub ee dib-u-warshadaynta Colorado wuxuu fududeeyaa dib-u-warshadaynta baakadaha guriga ee caadiga ah iyo warqadda – dhammaantood lacag la'aan ayay ku helaan dadka deggan.
Barnaamijku wuxuu bilaabanayaa 2026 waxaana la hirgelinayaa marxalado.
Shirkaduhu waxay ka caawiyaan in warqaddooda iyo baakadahooda la ururiyo oo si sax ah dib loogu warshadeeyo isticmaalka kadib.
EPR waxay taageertaa xarumo dib-u-warshadayn oo la hagaajiyay, waxbarasho, iyo helitaan dib-u-warshadayn oo ballaaran.
Sharciyada EPR waxay ku dhiirrigeliyaan shirkadaha inay sameeyaan alaab si fudud dib loogu warshadayn karo isticmaalka kadib.
Xisaabtan badan waxay ka dhigan tahay in agab badan oo dib loo warshadeeyay loo rogo alaab cusub.
Wararkii ugu dambeeyay ee RecycleOn
Su'aalo ma qabtaa? Waxaan halkan u joognaa inaan ku caawinno!
Haddii aad tahay xubin bulsho, ganacsi, ama hay'ad, nala soo xiriir si aad wax badan uga barato dib-u-warshadaynta, isbeddellada soo socda, ama sida aad wax badan u baran karto.

